U bood dhigaalka
Sheeko:War

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ku dhawaaqay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, arrintan uu ku sheegay shir jaraa’id uu qabtay waxaa uu sidoo kale ka hadlay isbadal lagu sameeyay laamaga amniga.

“Waxaan rabaa horta  inaan ka tacsiyeeyo arrintii foolxumada ahayd ee shalay dhacday ee qaraxa ahaa oo ay ku naf waayeen dad lix qof ah, dad badana ay ku dhaawacmeen, runtii qaraxyadaan waxa  ay noqdeen wax soo noqnoqda oo aan dhammaan, sidaas darteed ayaa maanta waxaa u iclaaminayaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, xaaladdaan dagaalka ahna aysan noqon doonin hal dhinac oo kaliya ee dagaalkaan uu noqon doono dagaal hadduu ilaahayn yiraahdo xaqa ah bacdamaa aan xaq ku socono ilaahayn wuu nala jiri doonaan insha-allah, maxaa yeelay anaga waxaa naga go’an in umadda Soomaaliyeed badbaadadeedii aan ka shaqeyno iyo horumarkeeda sid qof waliba uu u helo nolol fiican ayaa naga go’an”

Madaxweynaha oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Waxaa qeybaha kala duwan ee amniga ciidamada qalabka sida qof walbo oo ka tirsan ciidamada qalabka sida, waxaan amar ku siinay inay heegan galaan oo ay qeyb ka qaataan nabadeynta magaalada Mugadisho kow iyo guud ahaan gobolada dalka, qeyb-weyn ka qaataan, maantana runtii is badal ayaa dhacay oo waxaa yimid taliyaal cusub haday noqo xoogga taliska nabad sugidda iyo booliska iyo guud ahaan.”

Ugu Dambeyn waxaa uu madaxweyne Farmaajo shacabka ka dalbaday wada shaqeyn “Umadda Soomaaliyeed waxaan rabnaa inay la shaqeeyaan ciidamadooda qalabka sida oo runtii u heelan inay keenaan ammaanka magaalada mugadisho, si noloshii ay nabad noogu soo noqoto caruurtana ay iskuuladoodu aadaan cid alaala cidii aduunka ka imaanaysa oo wax nagu darsanayso aysan ka walwalin nabadgalyadooda.

Dhinaca kale, waxaa la sameeyay isbadal dhanka amniga ah, waxaana la magacaabay 4-ta taliye ee ugu sareysa ciidamada.

Mas’uuliyiinta Madaxweynaha Kala Shaqeyn Doona Amniga:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jan. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid:

Waa Janaral aqoon fiican u leh ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, saraakiil ciidamada ka tirsan waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in uu yahay shakhsi aqoon sare u leh waxbarashada ciidanka, waxaa uu ka tirsanaa ciidanka Dallaa-yadaha, waxaa taliye ka soo noqday Galdigob iyo Yeed.

Dowladdii Sheekh Sharif waxaa loo magacaabay taliyaha Ciidamada xoogga dalka, 4tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu ka tirsanaa baarlamaanka 9aad, maanta ayaa loo magacaabay mar kale Taliyaha Ciidanka Xoogga.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe:

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe waxaa uu ku dhashay Buulobarde 1968-dii, 2011-2012-kii, waxaa uu dowladda Sheekh Sharif noqday wasiirka amniga kadib markii uu geeriyooday Col. Cumar Xashi Adan, 2013/2014: waxaa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Ingiriiska, 2014-kii, Dowladda Xasan Sheekh waxaa muddo 2 bil ahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugida , 2015-2016 waxaa kaloo uu muddo noqday safiirka Soomaaliya ee Turkiga, waxaa uu aad ugu dhawaa Xasan Sheekh, mar 2015-kii lagu soo daray liiska wasiirro uu soo magacaabayey Cumar Cabdirashid waxaa uu ka mid ahaa dadkii la diiday, maanta waxaa mar kale loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida.

Dhanka waxbarashada waxaa uu ka qalinjabiyay Oxoford University isagoo oo bartay doblomaasiyadda iyo  globol gonrece isaga oo sidoo kale MPA ka qaaday jaamacadda Mareykanka ee ku taallo magaalada Nairobi ee USIU.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid):

Waxaa Sarkaal muddo ku soo dhex jiray ciidanka Booliiska, March 29, 2011 Ra’isul Wasaare Farmaajo ayaa ka dhigay ku xigeenka Sheekhuna Maye oo ahaa taliyaha Booliiska, May 11, 2013-kii waxaa uu noqday taliya booliiska jagadaas uu iska casilay sanad kadib markii qaraxyo lala beegsaday madaxtooyada Villa Somalia, maanta waxaa mar kale loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska 

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday isbadal lagu sameeyo hogaanka maamulka gobolka Banaadir, waxaana guddoomiyaha gobolka Baanaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed.

Thaabit waxaa uu agaasimaha madaxtooyada u ahaa Xasan Sheekh Maxamud kadib 2014-kii waxaa laga dhigay safiir ku xigeenka safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka isaga oo al sahqeynayey Cabdirashid Cali Sharma’arke.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jan. Xuseen Xasan Cismaan:

Jan. Xuseen Xasan Cismaan waxaa uu horay 4 sano u soo ahaa taliyaha ciidanka Asluubta, burburkii ka hor waxaa uu ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kadib waxaa uu u soo wareegay ciidanka asluubta, waxaa sareeye Gaas

Abaan-duulaha Ciidamada Xoogga Dalka: Jan. Cabdulahi Cali Caanood

Jan. Cabdulahi Cali Caanood waxaa taliye aad looga yaqaano ciidanka xoogga dalka,

xiliggii Siyaad Barre isaga oo kabtan ciidanka madaxtooyada ayuu dhigan jiray kuliyadda afafka, waxaa uu noqday taliyaha gaaska koowaad ee ciidanka xoogga dalka, june 25, 2014 waxaa loo magacaabay taliyaha xoogga dalka, waxaa uu kadib noqday taliyaha qeybta 21aad ee gobollada dhexe, maanta waxaa loo magacaabay Abaan-duulaha Ciidamada Xoogga.

Goobjoog News