U bood dhigaalka

Warbixin: Burcad Badeedda Oo Mar Kale Dib u Xoogeysanaysa

Sheeko:Dalka

Muddooyinkii dambe waxaa isa soo tarayay dhibaatooyinka laga muujinaayay in dib u soo xoogeystaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida kuwaas oo dhawaan fuliyay weeraro is xig xigay oo ay ku qaadeen doomo iyo maraakiib ganacsi.

Arrintaasi ayaa waxay keentay walwal ah inay dib u soo xoogeystaan kooxahaani oo iyaga oo todobaadkaan gudihiisa ay fuliyeen weeararo ay ku qaadeen Labo doomood, waxayna muujinaysaa arrintaan cabsi ah inay dib u soo noqdaan kooxahaan.

Doomaha ay qafaasheen kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa mid ka mid ah waxay kusii jeedday mgaalada Kisamaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, waxaana saarnaa shaqaale gaaraya 11 qof, doonta labaad ayaa waxaa la sheegay inuu lahaa ganacsade u dhashay waddanka Pakistaan balse tirada shaqaalaha ah iyo meessha ay u socotay lama aqoon.

Qafaalashada ay ku kacayaan burcad badeedda Soomaalida ayaa waxay walwal ay ku abuurtay ganacsatada Soomaaliyeed oo badeecadaha ay u soo maraan badaweynta Hindiya, iygoo laga yaabo inay afduubtaan maraakiib iyo duumo ganacsi oo u raran ganacsatada Soomaaliyeed.

Sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii ay fuliyeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida weeraradii ugu badnaa, balse Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa kooxaha burcad badeedda waxay xeebaha Soomaaliya ay ka fuliyeen ilaa iyo Afar weerar waxayna noqotay arrintaan Qatar cusub oo soo korortay.

Ka hor dhicitaanka weerarada cusub ayaa war ay soo saartay ururka la dagaalanka burcad badeeda NATO waxaa lagu sheegay inay dhamaatay qatartii kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Dhinaca kale war uu soo saaray xafiiska dembiyada ee raacsan qaramada midoobay ayaa waxa uu sheegay weeraradii dhawaan ay geesteen kooxaha burcad badeeda Soomalida inay cadaynayso inay jirto wali awoodii ay la haayeen kooxaha burcadda.

Weerarada ay inta badan geestaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxay ka dhacaan qaar ka mida xeebaha Soomaaliya gaar meelaha ay ka taliyaan muumulada Puntland iyo Soomaaliland,waxayna kooxahaas ay dhibaatooyin u geestaan shaqaalaha saaran maraakiibta sidoo kale waxay hakiyaan isku socodka ganacsiga ee badweynata Hindiya.

Goobjoog News