U bood dhigaalka

Somaliland: Ingiriiska Iyo Maraykanka Waxaan u Sheegeynaa in Dalkeennu Nabad Yahay

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dowladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ay u sheegi doonaan in marka ay muwaadiniintooda uga digayaan xaaladda Soomaaliya aanay kusoo darin tan Somaliland, islamarkana iyagu ay yihiin kuwo nabad haysta.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in cadaalad darro ay tahay in weli dowladahan ay ay Somaliand ku daraan Soomaaliya inteeda kale.

Cid walbo oo dalxiise ah ayuu sheegay iney imaan karto deegaannadooda iyadoo aan la kulmeen wax khatar ah.

“Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska iyo Maraykanka had iyo goor waxay soo saaraan digniin iyo talooyin ay dadkooda siiyaan, wadankii Soomaaliya la isku oran jirey waa la isku qaadaa hadda, waxaa la yiraahdaa waa xaalad adag, marka taladaasi mid inagu haboon ma ahan, waxaan u sheegeynaa dowladahan in dalkeennu nabad yahay, waana kala hadli doonnaa” ayuu yiri wasiir Sacad.

Somaliland ayaa sheegta iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse weli ma jirto cid aqoonsi siisay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada