U bood dhigaalka

Dhowr qodob oo iiga baxay hadalkii Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas?

Sheeko:War

Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ayaa shantii bishii June xiriirka u jaray dalka Qatar, iyaga oo ku eedeeyey inay taageerto argagixisada, islamarkaana xulufo ay la tahay Dowladda Iran. Dowladda Qatar ayaa beenisay eedeymahan, oo ay ku sheegtay kuwa aan sal lahayn.

Wadamada caalamka gaar ahaana dunida Muslimka ayaa ku kala aragti duwanaaday arrintan, Soomaaliya waxaa ay kamid ahayd dalalkii go’aanka dhex dhexaadnimada ka noqday khilaafka u dhaxeeya Isbaheysiga Sacuudiga iyo Qatar, waxaana Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay aad uga xuntahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex bilowda dalalka Carabta.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxey ugu baaqeysaa wadamada walaalaha ah ee khilaafku ka dhex taaganyahay inay khilaafkoodu ku xaliyaan wada hadal loo maro Jaamacadda Carabta iyo ururka Iskaashiga Islamka.”

Dad badan ayaa wixii xiligaasi ka dambeeyay iswaydiinayay waxa uu noqon doono go’aanka Maamul-goboleedyada  Soomaaliya, waxaana isa soo tarayay shakiga ah in Maamul-goboleedyada Soomaaliya ay dhici karto inay la saftaan Dowladda Sacuudiga taasoo saameyn ku yeelaneysa siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibada ee Dowladda Soomaaliya.

Go’aankii Maamulka Puntland.

16-kii bishaan Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay inay taageereen isbaheysiga ay hoggaaminayaan Dowladdaha Sacuudiga iyo Imaaraddka kuwaasoo ay ku sheegtay Puntland inay si buuxdo ugu taageereyso muranka kala dhxeeyo dalka Qatar. Puntland waxaa ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ugu baaqday inay dib u fiiriso go’aankii ay markii hore ka qaadatay arrinta khaliijka ee dhexdhexaadinimada ahaa.

Dhowr qodob oo iiga baxay Hadalkii Gaas.

Hadalka madaxweynaha oo aan ka dhageystay Idaacadda VOA Soomaali, waxuu uu iila muuqday sida qof wax diidan waxna qarinaya, sida aan ka dhadhamiyey hadalka Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa jira kala aragti duwanaansho Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Puntland oo ku aadan arrinta khilaafka khaliijka taasoo soo shaac baxday kaidb markii ay isku fahmi waayeen masuulyiinta Federaalka iyo kuwa Puntland.

1-  Gaas waxuu sheegay in Puntland ka soo horjeedo mowqifka Dowladda Federaalka , taasoo ka dhigan khilaaf.

2-  Hadalkiisa waxaa ka muuqata in puntland mowqifkeeda dowladda hor dhigtay laakiin dowladda ku gacan seyrtay.

3- Sida uu madaxweynaha ka dhawaajiyay Puntland waxay taageero dhinacyo badan leh ka heshaa dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, halka Qadar iyo Turkiga oo xulufo ah loo xagliyo dhanka caasimadda iyo dowladda dhexe. Sidaas darteed mowqifka Dowladda ee dhex-dhexaadnimada ah waxuu ku yeeshay saameyn xun.

4- Waxaa muuqata in dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka cadaadis xoogan oo sharci darro ah saarayaan umadda soomaaliyeed, gaar ahaan Maamul-goboleedyada. Waxaa daliil u ah booqashada Gaas iyo Siilaanyo ay ku tageen xilligan.

 

Nuxurka warka Puntland:

Puntland waxaa saaran cadaadis dhanka dhaqaalaha amniga iyo weliba mashaariic ay fulinayeen labadan dal, waana arinka u nugleeyay cadaadiska. Gaas carrabka ayuu si toos ah ugu dhuftay “anaga Qadar waxba nagama soo gaaro” waa dood macquul ah oo la fahmi karo. Waxaa looga gudbi karaa in dowladda dhexe Gobbolada gaarsiiso hantida iyo mashaariicda Dowladda, islamaarkana dadka Soomaaliyeed ay si siman u wada helaan adeega Dowladnimo.

Soomaalida ha ogaadaan in dalalka carabta, khaasatan Sacuudiga iyo Imaaraadka inaysan wax dan ah ka lahayn in Soomaaliya sii jirto!!!!

W/Q: Khadar Maxamuud Xareed

*Khadar Maxamuud Xareed waa Weriye ka tirsan Idaacada VOA Soomaali,  sidoo kalena waa Ardey barta culumta Xiriirka iyo Saxaafadda ee Jaamacada Kenya Methodist University ee Nairobi. Kala xiriir [email protected] ama Twitter-ka @khadarmh .

FIIRO GAAR AH: Qoraalkan kama turjumayo aragtida Goobjoog ee wuxuu u gaar yahay qoraha ku saxiixan.