U bood dhigaalka

8 Qodob oo Fure u Ah Helitaanka Wax Akhrin Nacfi Badan

Sheeko:War

Inaad wax kasta iska akhrido, waxay ka dhigan tahay inaad hesho aqoon dusha sare un ah oo aan meel fog gaarsiisneyn, mararka qaar waxaa la sheegaa inaaney jahliga wax dhaamin wax akhrinta noocaas oo kale ah, waxaase waxaa aad u wanaagsan in uu qofku xoogga saaro akhrinta takhasus goonni ah oo 70% uu ka miro dhaliyo, inta soo hartayna uu kaga faa’ideysto  takhasusyada kale ee uu doonayo inuu wax ka ogaado.

Hadaba qoraalkeennan maanta waxaan ku eegayna sida looga nacfiyo wax akhtirnta iyo wadada ugu wanaagsan ee loo maro wax akhrin nacfi badan oo si weyn looga faa’ido.

1-  U Deji Istiraatiijiayd Wax Akhrintaada

Waxaad kala saaraysaa muhiimaadaha iyo howltabannada sida ay ukala horreeyaan, tusaale;

a-Barashada Culuumta diiniga ah ee Waajibka ah ee nolosha howlmaalmeedkaaga cibaado lagama maarmaanka u ah.

b-Culuumta takhasuska kuu ah.

c-Culuumta kale ee ay wanaagsan tahay inaad wax ka ogaato.

Qeybtaa hore mid kasta waxaad u yeelaysaa wakhti gaar ah oo aad u asteyso, iyo inaad si maalin leh ah ugu sameyso saacado gaar ah oo aad ku akhriso.

2- Maaddo kasta inta aadan akhrin ka hor, danta aad ka leedahay is hordhig, sida; inaad su’aal iska weyddiiso jawaabtana aad ka baadigoobto buugga aad akhrineyso.

3-Buugaagta ha u akhrin si isku mid ah

Buug kasta marka aad ka gaarto danta aad nacfi ahaan uga baahneyd, khasab kuguma aha inaad wada dhameyso.

4- Rogrog safxadaha buugga aad akhrineyso, si aad u qiimeyso cinwaannada aad u baahan tahay, inta aadan u gudogeln wax akhrinta, waxaad si wanaagsan u eegtaa hordhaca iyo tusmada buugga, adigoo wax iska weydiinaya muhiimadda uu buugani kuu leeyahay iyo sida aad uga faa’ideysan karto, taas oo ku xiran kolba nooca buugga ee aad akhrineyso.

5- Waxaa kugu filan inaad akhriso hordhaca, gabagabada mowduuc kasta iyo Jumladda ugu muhiimsan ee baaragaraafyada.

Si aan si wanaagsan uga faa’ideysanno kadib marka aan buugga si wanaagsan urogrogto, waxaa inoo suurogaleysan in nafteennu ku raaxaysato waxa ay akhriyayso.

6-Wax ku akhri il furan oo noqo qof aan loo dusin karin caadooyin iyo dhaqan ay ummado kale leeyihiin, ka fogow in caqliga lagaa qabsado, ma aha inaad ra’yi kasta oo qoraagu leeyahay uu ku saxan yahay, waa inaad ogaataa wax kasta oo mabaadi’daada aad aaminsan tahay ee saliimka ah ka soo horjeeda uu yahay wax aan la aqbali karin, ciddii doontaba hakuu sheegto, adigoo mar kasta iska eegaya waxa aad akhrineyso cidda qortay iyo sida loogu kalsoonaan karo.

7- Waxyaabaha aad garan weydo Calaamadee, si hadhow ay kuugu sahlanaato inaad si dhib yar u fahmto.

Inta aad wax akhrineyso ha isku dayin inaad wax kasta fahamto isla markiiba, waxa aad fahmi waydo calmadayso, hadhow marka aad buugga dhameyso isku day wixii aad garan weyday inaad fahamto adigoo la kaashanaya cidda kale ee kaaga aqoonta badan.

8- Faaidooyinkaaga Buugga meel iskugu gee si hadhow aad ugu nacfiso.

Markasta qalinku hakuu dhawaado si aad u qorato waxyaabaha faa’idada gaarka ah  kuu leh, iskugu gee meel goonni ah oo u qoro si adiga kuu gaarka ah.