U bood dhigaalka

8 Talo oo Muhiim u ah Ardayda Jaamacadaha Ku Cusub

Sheeko:War

Fahamka ah kulliyado heersare ah iyo kuwo kale oo hooseeya dalkeenna si khaldan ayaa loo fahamsan yahay; marka jaamacadda laga qalinjabiyo ma jirto kulliyado heersare ah iyo kuwo kale oo heer hoose ah; cid kastaaba waxay aadaysaa suuqa shaqada halkaasna ciddii dadaal badan mooyaane cid kale lagama yaqaanno oo nasiib kuma laha, farqiga jiraa waa un kulliyad dadka kasoo qalinjabinayaa ay tiro badan yihiin iyo kulliyad kale oo dadka kasoo qalinjabiyaa ay yar yihiin, sidaa darteedna suuqa shaqada fursado badan ku leh.

Markasta qofka si wanaagsan u qalinjabiya tayadiisuna fiican tahay oo kaliya ayaa ah qofka loo ballanqaadi karo inuu ku guuleysanayo suuqa shaqada.

Sidaa darteed, nolosha jaamacaddu ma aha oo qura muqarar la qaadanayo, laakiin waa nolol dhameystiran kuuna diyaarinaysa waxaad noqon doonto mustaqbalkaaga dambe, waxaa lagama maarmaan ah inaan jimicsi sameyso, ka qeybgasho siminaarrada ay shirkadaha bixiyaan ee horumarta ah, waxaa sidaas oo kale laga maarmaan ah inaad naftaada horumariso gaar ahaan “soft Skills” iyo koorsooyinka gaagaaban ee dhanka takhasuskaaga ah iyo inaad si weyn u eegato hiwaayado cusub iyo mihnado hor leh oo ka baxsan takhasuskaasga naftaadana ku hormariso, waxaa intaa kuu sii raaca inaad Labo arrimood si wanaagsan iskaga dhisto waa luqadda English-ka oo noqotay luqadda cilmiga iyo computer-ka oo noqday lagama maarmaanka noloshan casriga ah.

Waxaa lagama maarmaan ah inaad la timaaddo hadaf cad oo noloshaada yool ay tiigsato u noqda; haddii aadan hadaf nololeed lahayd ugu dambeyn  meel cidlo ah ayaad ku lumaysaa.

Talooyin aanuu ka maarmin ardayga hor-u-socodka ah ee  ku cusub waxbarashada heerka Jaamacadeed

1 – Marka hore isku day inaad fahamto waxa gudaha jaamacadda ka socda, ogow jaamacaddu waxay kaga duwan tahay dugsiga sare manhaj gaar ah ma laha oo hay’adda waxbarashada jaamacadda ayaa waxaa la dhigayo go’aamisa; waxaana muhiim ah wax akhrinta iyo cilmibaarista aad sameyso.

2 – Inta Suurtogalka ah waa inaad raadiso fursado aad ku horumarineyso naftaada, meelaha aad ku liidatana aad iska hagaajineyso, waxaad ogaata marka aad jaamacadda dhameyso fursad aad naftaada ku horumariso way kugu adkaaneysaa.

 3 – Halka aad naftaada ku horumarin karto gudaha jaamacadda waa inaad ka qeybgasho khudbadaha guud, tababarrada shirkadaha qaar ay dadweynaha siiyaan jaamacaddana ay keenaan iyo fursad kasta oo aqoon kororsi ah oo suurtogal ka ah gudaha jaamacadda.

4 – Haddii aadan ku qanacsaneyn kulliyadda aad jaamacadda ka dhigato, ogow inaaney waxwalbaaba soo gabagaboobin, waa wadaadaadii koowaad oo qura oo aad ku gaari lahayd halka aad ku riyooneyso. Tan aad dhigato xoogga saar, tan aad ku riyooneysana waad gaari doontaa.

5 – Haddii xirfada aqooneed ee aad leedahay fara badan tahay ogow meel ku xadeynaysaa ama kaa hor imaaneysaa oo ku celinaysaa ma jirto, adigoo kulliyadda qaanuunka bartay ayaad ka shaqeysan kartaa qeybta teknoolajiyadda waa haddii lagaa arko sida aad ugu wanaagsan tahay oo aad xariifka ugu tahay, waxaa muhiim ah inaad xirfado wanaagsan leedahay.

6 – Shahaada jaamacadda oo qura maaha baasaaboorka shaqada lagu helo, waxaa muhiim ah inaad naftaada si joogto ah u horumariso.

7 – Inta aad karto hibooyinka aad leedahay horumarin ku samee, qofkastaaba waxa uu leeyahay hibaayin uu si gaar ah uga fiican yahay dadka kale uu dhaamo, sidaa darteed muhiimad gaar inaad si gaar ah u daryeesho hibadaada.

8 – Haddii aad dooneyso inaad meel wanaagsan gaarto waxaa muhiim ah inaad si gaar ah u eegto waxaad ku wanaagsan tahay, isku day inaad dad kale kaga fiicnaato, si mustaqbal wanaagsan aad naftaada ugu sameyso.

Ugu dambeyn, dunida aan ku noolnahay qof kastaa waxa uu haystaa fursad, wixii aad shalay naftaada u abuurtay ayaad maanta miraheeda xumaan iyo samaanba u gureysaa, waxaan maanta naftaada u beerto ayaad mirahooda berri u guri dootaa.  

W/Q: Khadar Xuseen