U bood dhigaalka

9 Su’aalood ee Loogu Raadinta Badan Yahay Barta Google

Google ayaa daaha ka rogtay su’aalaha ugu badan ee ay dadku soo weydiiyaan oo u badnaa How to.. sidee loo sameeyaa oo farsamo la xiriira, waxaanuu kusoo beegay arrintan munaasabad uu ku daahfurayay website cusub oo la yiraahdo “Sideed ku hagaaji kartaa masqushaada” how-to-fix-a-toilet oo ah website cusub oo loogu talogalay sida ay dadku u xallin karaan mushkiladaha kala duwan ee dhanka masqulaha.

Google ayaa sheegay iney arkeen koror 140% laga soo bilaabo 2004 oo ku saabsan su’aasha ah “How to” oo in badan oo ka mid ah ay ku saabsan tahay waxyaabaha guryaha looga baahan yahay ee farsamada ah, sida dariishada loo hagaajiyo, albaabada, masqulaha, furaha korontada, waana sida ay sheegayso Sky News.

Hadaba, waa kuwan su’aalaha ugu badan qaarkood oo Google lasoo weydiiyay:

1 – Sideed Qoorxirka Loo Xirtaa?

2 – Sideed Dhunkasho loo daabacaa?

3 – Sidee Uur lagu Qaadaa?

4 – Sidee miisaanka loo dhimaa?

5 – Sidee wax loo sawiraa?

6 -Sidee hanti lagu tacbaa?

7 – Sidee Cunto loo kariyaa?

8 – Sidee farriin dardaaran ah loo qora?

9 -Sidee baruurta caloosha loo yareeyaa? … Iyo su’aalo kale oo aad u farabadan oo gaaraya illaa 100 su’aalood oo kala duwan.

Google ayaa waxaa ka baraneynaa in dadka adduunka jooga baahiyaha ugu badan ee ay qabaan ay tahay farsamada oo ah mihnadda shaqo abuurku ugu badan dunid.

Goobjoog News,