U bood dhigaalka

Maamulka KMG Jubba oo walaac ka muujiyay halista cudurka Ebola

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka ku-meelgaarka ee Jubba ayaa sheegay in ay walwal ka qabaan qatarta cudurka Ebola oo ay soo gudbin karaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya la keenayo gaar ahaan kuwa ka socda dalka Siiraaliyoon.

Hadalkan waxaa Kismaayo ka sheegay madaxwayne ku xigeenka labaad ee maamulkaasi Suldaan Cabdulqaadir Maxamed Luga dheere waxa uuna ku taliyay in ciidanka AMISOM laga hakiyo deegaanada Jubbooyinka.

Suldaan Cabdulqaadir Luga-dheere ayaa ku baaqay in baaritaan caafimaad la soo marsiiyo ciidanka AMISOM ee Soomaaliya la keenayo, kuwaas oo bedalaya kuwa jooga dalka si looga hor tago cudurka Ebola.

Hadalka masulkan ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadkan gudihiisa cudutka Ebola laga helay mid ka mid ah askar ka socota Siiraaliyoon oo loo soo waday Soomaaliya.

Ciidamada Siiraaliyoon ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa ku sugan gobollada Jubbooyinka.

Siiraaliyoon ayaa ka mid ah dalalka galbeedka Afrika ku yaalla ee sida wayn uu uga dilaacay cudurka halista ah ee Ebola.