U bood dhigaalka

Degmada Cadaado oo laga dareemayo qaban qaabada shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Degmada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud waxaa maalmahaan dambe ku qul qulaayay ergo badan oo la doonayo inay ka qeyb galaan shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Afhayeenka  maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji ayaa u sheegay Goobjoog Fm in magaalada Cadaado hadda ay ka soconayaan kulamo gaar gaar ah, sidoo kalena halkaasi ay gaareen Aqoonyahano iyo siyaasiin shirka ka qeyb gali doona.

Careys ayaa dhanka kale sheegay in maamulkooda aad u adkeeyay amaanka guud ee degmada Cadaado, si loo xaqiijiyo amniga shirka iyo mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa.

Waxaa dhawaan la filaayaa in degmada Cadaado lagu qabto shirka maamul u sameynta Mudug iyo Gal-gaduud, waxaana halkaasi ku sugan siyaasiin iyo dad kale oo shirka ka qeyb gali doona.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Afhayeen Careys.

Goobjoog News