U bood dhigaalka

Muqdisho:Meydka haweeney si xun loo dilay oo saaka laga helay degmada Kaxda

Sheeko:Dalka

Waxaa saaka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir lagu arkay meydka qof dumar ah oo u muuqday in ceeji lagu dilay, dad ku sugan degmada Kaxda ayaa u sheegay Goobjoog FM in indhahooda ay ku arkeen meydka haweeneydan.

Lama aqoonsan meydka ruuxan oo uu ka muuqday jir dil xoogan.

Maamulka degmada Kaxda oo aan la xiriirnay weli kama uusan hadlin arrinkan.

Lama oga cida ka dambeysay falkan sida xun loogu dilay haweeneyda.