U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan oo xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub ee midowga Afrika u magacawday Soomaaliya

Sheeko:Dalka
Madaxwayne Xasan iyo danjire Maman Sidikou.
Madaxwayne Xasan iyo danjire Maman Sidikou.

Madaxwaynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan  Soomaaliya danjire Maman Sidikou.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjire Maman Sidikou waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka iyo dar dar gelinta howl gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo uu kulankaasi goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibadda oo kulanka kaddib warbaahinta si wada jir ah ula hadlay ayaa ka war bixiyay qodobada ugu muhiimsan ee kulanka looga hadlay, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay wasiirka arrimaha dibedda iyo dhiirigelinta maalgeshiga mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

“Waxaan halkaan nala jooga Safiirka Midowga Afrika u joogaya Soomaaliya, waxa uu badalayaa safiirkii hore ee Annadif sida aad ogtihiin shalay ayuu na soo gaaray maanta ayuu Madaxweynaha la kulmay waxa ay ka wada hadleen amniga, howl galka socda iyo sida loo amba qaadi lahaa howlgallada lagu baacsanayo argagixisada, aad iyo aad ayaan u soo dhaweyneynaa Wakiilka cusub” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda.

Danjire Maman Sidikou oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya maadaama uu maanta bilaabay shaqada loo igmaday, waxaana uu intaa ku daray in Soomaaliya ay xilligan ku talaabsatay horumar dhinac waliba leh.

“Soomaaliya oo xasilooni iyo  nabad waarta ka dhalata, waxa ay ka dhigantay in Qaaradda Afrika oo dhan ay gaartay nabad buuxdo, waxaana diyaar u nahay in aan xoojino taageerada aan siineyno Soomaaliya, waxaana ammaan u jeedinaya dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya lagu sameeyay, si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka” ayuu yiri Danjire Maman Sidikou.

Midowga Afrika ayaa Maman Sidikou u magacaabay xilka Wakiilka gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya kadib markii uu xilkaas iska casilay danjire Annadif.