U bood dhigaalka

Maamulka gobalka Sh/hoose oo baadi goob ugu jira dadkii Baraawe ku dilay Oday dhaqameed caan ahaa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan deegaano hoostaga degmada Baraawe ee gobalkaasi.

Siidii ayaa sheegay in dhanka kale ay ku jiraan baadi goobka rag ka mid ah Al-shabaab oo la sheegay in ay qoorta ka jareen mid ka mid ah waxgaradkii dowladda Federaalka kusoo dhaweeyay degmada Baraawe.

“Raadkoodii ayaan raacnay waxay mareen Koonfurta Baraawe, Kuunyo Baroow inay galeen dadkii wax dilay ayaa naloo sheegay waana ku raadjoognaa”

Dhanka kale Gudoomiye Siidii ayaa sheegay in dhawaan ay soo afjari doonaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka soconaaya deegaano gobalka Sh/hoose ka mid ah.

Halkaan hoose ka dhageeyso wareysiga.

Goobjoog News