U bood dhigaalka

Xildhibaan Dalxa “Shirkii Geneva waxaa lagu go’aamiyay in wax laga qabto xaaladaha wadamo Soomaaliya ay ku jirto (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland lagu soo gaba gabeeyay shir caalami ah, kaa oo looga hadlaayay arimo badan oo ka jira wadamada caalamka.

Shirkaan wadamada ka qeyb galaayay waxaa ka mid ah Soomaaliya, waxaana halkaasi ku sugnaa xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona dal walba uu soo jeedinaayay caqabadaha haysta.

Waxyaabaha la’isku soo hadal qaaday waxaa kamid ah arimaha ku saabsan waxa loogu yeero argagaxisada, waxaana la’isla gartay in wax laga qabto.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka qeyb galay shirkaasi ayaa isaga oo Geneva jooga waxa uu u sheegay Goobjoog Fm in la’isku raacay in wax laga qabto xaaladda guud ee dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Goobjoog News