U bood dhigaalka

Caruur Nafaqo dari ugu geeriyootay deegaanka Hosingoow ee gobalka Jubada Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiya 10 caruur ah ayaa nafaqo dari ugu geeriyootay deegaanka Hosingoow ee gobalka Jubada Hoose, waxaana halkaasi laga soo sheegayaa caafimaad xumo iyo sidoo kale raashiin yari.

Nabadoon Yuusuf Macalin Cabdulle oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm in maalmihii lasoo dhaafay ay caruur iyo dad da’ah u dhinteen xaaladda nafaqa darida ah, waxaana uu ku baaqay in deg deg gurmad loola soo gaaro.

“Caafimaad xumo, Baahi iyo Nafaqo daro ayaa ka jirta deegaanka, 10 qofna waa ay u geeriyoodeen, waxaana u badan caruur iyo dad waayeel ah”

Beesha caalamka iyo dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay ka dalbanaayaan in lala soo gaaro wax walba oo wax looga qabanaayo xaaladahaan Hosingoow ka taagan.

Halkaan hoose ka dhageeyso Wareysi aynu la yeelanay Nabadoon Yuusuf Macalin Cabdulle.

Goobjoog News