U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay dibadbax ka dhacay magaalada B/weyne ee gobalka Hiiraan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dibadbax balaaran oo ay dhigayeen shacab aad u badan ayaa maanta ka dhacay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaana la helayaa faah faahino dheeraad ah.

Shacabka ayaa dibadbaxa waxa ay uga soo horjeedeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti oo saaka u dhaqaaqay dhanka deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan, hase ahaatee deegaanka Ceel-gaal ku rasaaseeyay dad shacab ah.

Shacabkaan waxay sidoo kale diidanaaeen in ciidamada Jabuuti ay kala dhex galaan dhinacyadii ku dagaalamay Deefoow, waxaase sidoo kale tani soo wehlisay rasaasta ay ciidamada AMISOM, ku fureen shacabka ku sugnaa Ceel-gaal oo qiyaastii 15 KM u jira B/weyne.

Dibadbaxa ayaa haatan u muuqda mid sidii hore ka yara degay, waxaana shacabka ay magaalada ku gubeen Taayero, iyaga oo isku dayay in ay gudaha u galaan xarunta maamulka Gobalka Hiiraan.

Maamulka gobalka iyo saraakiisha AMISOM ee ku sugan magaalada B/weyne weli wax war ah kama aanay soo saarin dibadbaxaan iyo warar sheegaya in ciidamada AMISOM ay shacab ku rasaaseeyeen deegaanka Ceel-gaal.

Halkaan hoose ka dhageeyso Wariye C/risaaq Al-cadaala oo faah faahin ka bixinaaya sida maanta ay wax u dhaceen.

Goobjoog News