U bood dhigaalka

Dibadbax ka dhan ah dhismaha Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal oo Baydhaba ka dhacay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dibadbax looga soo horjeedo qorshaha lagu dhisayo maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal ayaa maanta ka dhacay xaafadaha magaaladaasi.

Waxa dibadbaxaan soo abaabulay xubnaha sheeganaya maamulka K/galbeed ee Lixda gobal, kuwaa oo taageero ka waayay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Xubanahaan dibadbaxa soo abaabulay iyo shacab la socday ayaa socod kusoo maray xaafadaha Baydhaba ka kooban tahay, waxaana ugu dambeyn ay isugu yimaadeen xarunta ADC ee Magaaladaasi.

Siyaasiin ka mid ah maamulka Lixda gobal oo halkaasi hadal ka jeediyay waxay sheegeen in shirka ka socda Baydhaba ee lagu doonayo in lagu dhiso maamulka Sedaxda gobal uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay, shacabkana aanay u dhameyn.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News