U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Salaabeen Maxamed Ibraahim oo dhaliilay heshiiskii dowladda Federaalka iyo Puntland (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Hore Saleebaan Maxamed Ibraahim ayaa si kulul u dhaliilay heshiiskii dhawaan magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ku gaareen dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Isaga oo wareysi siinaayay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in heshiiskaasi gabi ahaanba uu yahay mid hareer marsan Dastuurka KMG ee u yaala dalkeena Soomaaliya, islamarkaana lagu deg degay.

Sidoo kale Saleebaan Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in markii heshiiskaan uu dhacay la maqlay qeylo dhaan badan oo durba kasoo yeertay qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale dowladda Federaalka ayuu sheegay in looga baahnaa in aysan qaadan talaabooyin uu sheegay in ay keeni karto Khilaaf soo kala dhex gala maamulada deriska ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Xildhibaanka.

Goobjoog News