U bood dhigaalka

Qoysas biyo la’aan darteed uga barakacay deegaanka Goof-gaduud ee gobalka Baay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Qoysas badan ayaa lagu soo waramaayaa in biyo la’aan darteed ay uga barakaceen deegaanka Goof-gaduud ee gobalka Baay, iyadoo deegaankaasi mudood badan biyaha ay ciriiri ka ahaayeen.

Gudoomiyaha Degaankaasi Axmed Aadan Mxamed ayaa u sheegay Goobjoog Fm in deegaankaasi ay ka jiraan arimo badan, ayna liitaan adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada.

Saameynta ugu badan ee keentay in dadka ay barakacaan ayuu ku sheegay Gudoomiyaha helista biyaha oo adag iyo sidoo kale in ceelal biyo leh aanay hadda halkaasi ka jirin.

Ugu dambeen ayaa gudoomiyaha deegaanka Goof-gaduud ee gobalka Bay waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka ee Soomaaliya in deg deg ay wax uga qabato xaaladahaan ka jira deegaankaasi oo biyaha ugu horeeyaan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News