U bood dhigaalka

Xildhibaanada baarlamaanka oo hadda kulan ku qaadanaaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan ku leh xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo furitaanka kulankan ka hadlay waxa uu sheegay inay maanta soo xaadireen mudanayaal gaaraya 164 xildhibaan, isagoo ka digay in laga maqnaado kulamada baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa maanta la dhaariyay illaa iyo seddex mudane oo ku biiray baarlamaanka kuwaasoo bedalay xildibaanno boosaskooda ay bannaanaayeen.

Wariyaha Arimaha baarlamaanka ee Goobjoog Fm oo ku sugan halka kulanka uu ka socdo ayaa si kooban u sharaxaya sida kulankaan uu u socdo, iyadoo wixii faah faahin ah aynu dib idiin kaga soo gudbin donno.

Halkaan hoose ka dhageeyso.

Goobjoog News