U bood dhigaalka

Shir looga hadlayo Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya oo ka furmi doona magaalada London

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu wadaa in uu ka furmo shir balaaran oo la doonayo in looga hadlo Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya, kaa oo ay ka qeyb gali doonaan Soomaali iyo Ajaaniib.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirkaan, waxaana shirkani uu noqonayaan kii labaad ee xoogga lagu saarayo ka hadalka arimaha Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya.

Hotelka uu ka furmayo shirkaan waxaa ku qul qulaaya masuuliyiinta shirkado Soomaaliyeed iyo ajaanib maalgashi doon ah, iyadoo la filayo in natiijada shirka ka soo baxdana ay kor u qaado maalgashiga shidaalka Soomaaliya.

Shirkaan kii ka horeeyay ayaa dhacay Bishii October 2013, waxaana uu ka dhacay isla magaaladaan London, waxaana uu shirkaan furmi doonaa saacadaha soo aadan ee maanta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararka dambe ee Goobjoog Fm