U bood dhigaalka

Shacab cabasho ka muujiyay boob ay sheegeen in lagu hayo dhul ay ka deganyihiin degmada Hodon ee Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Soona Key degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhul boob sharci daro ah lagu haayo dhulkii danta guud ee halkaas ku yaalay.

Dadkaas oo qaarkood lahadlay Goobjoog Fm ayaa sheegay in ay dhul boobkaas wadaan dabley hubeysan oo gadaal ay ka riixayaan ganacsato doonaya inay si gaar ah uga faa’iideystaan goobahaas danta guud.

Dadka danta yar oo dhulkaas markii markii hore badankood ka dhistay aqalo cooshado ka sameysan ayaa walaac ka muujiyay cabsi gelin iyo handadaad ay u geysanayaan dadka damacsan sida ay sheegeen in ay dhulkaas dan shaqsiyadeed ku qabsadaan.

Mid kamida wax garadka deegaankaa ku nool oo lasoo xiriiray Goobjoog Fm ayaa maamulka degmada Hodan iyo midka Gobolka Banaadir ka dalbaday inay arintaas faragelin ku sameeyaan, isaga oo dhanka kale sheegay in hadii dhulkaasi ay deganaaneyso cid aan dowladda ahayn ay iyaga xaq u leeyihiin.

Halkaan hoose ka dhageyso cabashada dadkaan.

Goobjoog News