U bood dhigaalka

Cabasho laga muujiyay waxyaabaha waqtigooda dhaca ee lagu daadiyo xaafado ka mid ah degmooyinka Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xaafado ka mid ah degmooyinka Hliwaa iyo Yaaqshiid ayaa dadka kunool waxay siweyn uga cabanayaan waxyaabo dhacay oo lagu soo daadiyay wadooyinka xaafadahaasi qaar.

Xaafadaha kala ah Towfiiq, Juungal, Carafaad, Caymiska iyo Al-cadaala oo ka kala tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hilwaa ayaa laga soo sheegayaa waxyaabahaas isticmaalka waqtigoodu dhamaaday in lagu daadiyo sida cabitaano iyo waxyaabo kale xilliyada habeenkii ah oo dadku hurdaan.

Dadka xaafadahaasi ku nool ayaa hada wel welka ugu badan oo ay qabaan waxay tahay in saameyn caafimaad xumo ay dhaliyaan waxyaabahaasi dhacay, oo ay caruurtu dariiqyada ku isticmaalaan maadaama aysan kala garaneyn saameynta xun ee ka dhalan karta isticmaalka waxyaabo waqtigooda dhaafay.

Dadka ku nool xaafadaha aynu soo sheegnay ayaa qaarkood lasoo xiriiray Goobjoog Fm, waxaana ay dalbadeen in deg deg wax looga qabto arimahaan oo halis u keeni kara nolosha dad badan oo shacab ah.

Dhanka kale maamulada degmooyinkaasi oo aynu isku daynay in aynu wax ka weydiino wax ay kala socdaa arimahaan ayaana inoo suurta gelin.

Halkaan hoose ka dhageyso dadka deegaanka oo sharaxaad ka bixinaaya dhibaatada ay qabaan.

Goobjoog News