U bood dhigaalka

Maxamada Gobalka Banaadir oo dib u dhigtay dhageysiga eedeymaha loo haysto Milkiilaha Shabelle iyo wariye Axmed Cabdi Xasan (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Maxkamada gobalka Banaadir ayaa maanta waxaa kasoo hor muuqday Milkiilaha Idaacadda Shabelle Cabdi Maalik Maxamuud iyo Wariye Axmed Cabdi Xasan oo Idaacadaasi ka tirsan,halka xabsiga looga soo tagay Wariyaasha kala ah Maxamed Bashiir Xaashi iyo sidoo kale Maxamuud Maxamed Daahir Carab.

Goobta ay maxkamadeynta ka socotay waxaa ku sugnaa Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiin, Saxafiyiin iyo qaar ka mid ah ehlada shaqsiyaadka Maxkamada lasoo taagaye.

Markii ay maxkamada furantay ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir waxa uu maxkamada ka codsaday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadaan si uu u keeno cadeemo kale oo la xiriira eedeymaha loo haysto Labadaan shaqsi ee maxkamada lasoo taagay.

Qareenada u doodaye Cabdi Maalik iyo Axmed Cabdi waxay codsadeyn in qaab damiin ah lagu sii daayo, maadaama maxkamada dib loo dhigay muddo Todobaad ah.

Waxaa loo ogolaaday in qaab damiin ah lagu daayo, iyadoona dhana kale xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu dalbaday in Baasaboorada laga qaado, dalkana aanay ka bixi Karin.

Dhanka kale lama oga waxa maanta maxkamada loo horkeeni waayay Wariyaasha kala ah Maxamed Bashiir iyo Maxamuud Maxamed Daahir Carab oo iyaguna xiran in ka badan 60 cisho.

Maxkamad3 Maxkamad2 Maxkamad1