U bood dhigaalka

Wafdi ka socda golaha Qaramada Midoobay oo maanta gaaray Magaalada Baraawe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose gaaray wafdi ka socday Qaramada Midoobay islamarkaana qaabilsan dhanka amaanka, kuwaa oo lagu soo dhaweeyay Magaaladaasi.

Wafdigaan ayaa markii ay Baraawe gaareyn waxa ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka Soomaaliya, waxayna kala hadleen arimo badan oo dhanka amniga ku saabsan.

Cali Diini oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay Goobjoog Fm in xubnahaan uljeedka ay halkaasi u tageen ay tahay u kuur galista xaaladda amni ee halkaasi ka jira.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay sidoo kale qiimeyn ku sameyn doonaan xaaladaha ka jira degmada Baraawe, waxaana dhanka kale kulamo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee Bulshada Baraawe.

Degmada Baraawe ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM, waxaana halkaasi muddo badan maamuli jiray Al-shabaab, iyadoona xusid ay mudan tahay in halkaasi socdaal uu ku tagay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkaan hoose ka dhageyso Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga Shabeelah hoose oo faah faahinaaya socdaalka wafdigaan.

Goobjoog News