U bood dhigaalka

Gudiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan adeega Bulshada oo booqday dhaawacyada shacabka ee ku jira Isbitaalada Muqdisho "Sawiro"

Sheeko:Caafimaadka

Guddiga Adeegga Bulshada u qaabilsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa booqday shacabka dhaawaca ah ee ku jira isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho gaar ahaanna dadkii shacabka ahaa ee ay dhaawacyadu kasoo gaareen qaraxyadii lala eegtay qaar ka mid ah maqaayadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Guddiga Adeegga Bulshada waxa ay warbixin ku aadan xaalada dadkii ku dhaawacmay qaraxyada ka dhageysteen Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo isagu sheegay in inta badan dadkii dhaawacyada ahaa ay ku dadaaleen dhaqaatiirta islamarkaana ay xaaladooda wanaag santahay intooda badan waxaana warbixintaasi kadib ay guddigu u kuur galeen oo ay mid mid u booqdeen dhammanba dadkii dhaawacyada ahaa.

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo booqashadooda kadib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in u jeedada booqashada guddigooda ay tahay iney indhahooda ku arkaan xaalada ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah kadibna ay u gudbiyaan baahida ay qabaan dhaawacyadii ay la kulmeen Wasaaradaha qaabilsan si wax loogu qabto.

Gudoomiyaha Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Dr Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo isagana dhankiisa booqashadooda kadib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay iney dareen ahaan aad uga xun yihiin dhibaatada soo gaartay muwaadiniintan Soomaaliyeed,xanuunkana ay la wadaagayaan waxaana uu dhinaca kale ballan qaaday ineysan guddigu ka seexan doonin sidii wax loogu qaban lahaa dadkan shacabka ah.

Waa qeyb ka mid ah waajibaadka uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u igmaday Guddiga Adeegga Bulshada iney si dhab ah ugu kuur galaan xaaladaha ay qabaan dadweynaha kadibna baahiyahooda loo gudbiyo hay’adda fulinta si wax loogu qabto.

IMG_5006 IMG_5013 IMG_4869 (1) IMG_4879 (1) IMG_4891 (1) IMG_4911 (1) IMG_4916 (1) IMG_4921 (1) IMG_4929 (1) IMG_4935 (1) IMG_4969 (3) IMG_4971 (3) IMG_4975 (2) IMG_4980 (2) IMG_4984 (1) IMG_4985 (1) IMG_4986 IMG_5004

 

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaankaย 

Media and Public Relation Office Of Speaker