U bood dhigaalka

Ciidamada Booliiska ee degmada Baraawe oo heegan la geliyay xilliyada habeenkii (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose Baraawe Shaacir Cabdi Cilmi ayaa sheegay in heegan ay galiyeen xiliyada habeenkii Ciidamada Booliska si ay uga hortagaan falal ammaanka ka hor imaan kara.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ay ku guuleysteen sugidda guud ee amaanka degmada Baraawe, islamarkaana shacabka iyo dadka deegaanka ay wad shaqeyn ka dhaxeyso waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Shaacir ayaa tilmaamay in isbedel la taaban karo ay ka gaareyn sida uu yiri ammaanka Magaalada , tan iyo markii Ciidamada huwanta ay la wareegeen degmada Baraawe.

Degmada Baraawe waxaa muddo aad u badan maamulaayay Xarakada Al-shabaab, hase ahaatee ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa u suura gashay in halkaasi ay dagaal kooban ku qabsadaan.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Gudoomiyaha

 

Goobjoog News