U bood dhigaalka

Fowsiya Yuusuf “Hay’ad caalami ah ayaa ii sheegtay in dalka ay kusoo wajahan yihiin ciidamada Sera Leone, Ebola ayaa dalkaas ka jira” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee Arimaha dibadda dowladda Soomaaliya ahna mudane ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegtay in dalka ay kusoo wajahanyihiin ciidamadii Sera Leone ee dhawaan la sheegay in loo diiday dalka inay soo galaan ka dib askari iyaga ka mid ah oo laga helay cudurka Ebola.

Waxay sheegtay in Hay’ad caalami ah ay lasoo xiriirtay una sheegtay in ay hubaan in ciidamadaan ay dalka imaan doonaan, loona baahan yahay sidii cudurka Ebola looga hortagi lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayeey tilmaantay in xogtaan ay u gudbin doonto si markaa deg deg looga hortago ciidankaan oo laga baqaayo halista Ebola in dalka ay keenaan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa shalay Muqdisho ka sheegay in laga xukuumadiisa iyo ciidamada AMISOM ay iska kaashan doonaan sidii looga hortai lahaa halista Ebola

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Fowsiya

Goobjoog News