U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda gaaray degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno la socda ayaa hadda wxay gaareyn degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah islamarkaana ay saaraan Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa lagu soo waramayaa in goor dhaw ay ka degtay degmadaasi, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa saraakiisha ciiidamada dowladda, AMISOM, iyo maamulka gobalka Gal-gaduud.

Maxamed Kaariye Caraale oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee halkaasi ku sugan ayaa u sheegay Goobjoog Fm in hadda ay socoto soo dhaweynta madaxweynaha, ka dibna ay la kulmi doonaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filaayaa in uu u amba baxo magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan, halkaasi oo looga diyaar garoobaayo sidii loo soo dhaweyn lahaa.

Halkaan hoose ka dhageyso Maxamed Kaariye oo ka hadlaaya socdaalka Madaxweynaha ee Ceel-buur.

Goobjoog News