U bood dhigaalka

Faah faahin: Socdaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee uu ku tagay degmada Ceel-buur gobalka Gal-gaduud

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal ku tagay degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud, isaga oo meel fagaaro ah kula hadlay shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Waxaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh socdaalkiisa ku wehlinaaya xubno ka mid ah xukuumada Soomaaliya, waxaana safarkaan uu ahaa mid aan horay loo sii shaacin.

Gudoomiyaha degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in madaxweynaha uu la kulmay maamulka iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo AMISOM ee halkaasi jooga.

Sidoo kale madaxweynaha ayuu sheegay in uu tagay xarumaha dowladii dhexe, iyo meelo kale oo muhiim u ah shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa u balan qaaday shacabka ku dhaqan degmadaasi in dowladda dhexe ay garab istaagi doonto shacabka halkaasi jooga, kana caawin doonaan dhanka gar gaarka deg dega ah.

Waa markii ugu horeysay oo halkaasi uu gaaro madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii degmadaasi dhawaan laga saaray ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Ugu dambeen ayuu madaxweynaha halkaasi ka amba baxay isaga oo dhanka Magaalada Beledweyne aaday.

Goobjoog News