U bood dhigaalka

Dhageyso: Shirkii Garbahaareey oo maanta lasoo gaba gabeeyay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta degmada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo lagu soo gaba gabeeyay shir maalmo badan ka soconaayay halkaasi, iyadoo shirka ay ka qeyb galeen Odayaal iyo siyaasiin kasoo jeeda Gedo.

Shirkaan ayaa laga soo saaray gaba gabadiisa 12 qodob, waxaana qodobadaasi badi ay u badnaayeen sidii loo heli lahaa nabad iyo sidoo kale sidii ay ku heshiin lahaayeen beelaha halkaasi wada dega.

Dhanka kale waxaa lagu baaqay in wejiga Labaad ee shirkaasi deg deg loo furo kaa oo looga hadli doono arimo ku saabsan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Afhayeenka shirkaasi Maxamed Aadan Cali ayaa u sheegay Goobjoog in shirkaan natiijooyin muhiim ah ay laga soo saaray, waxaana sidoo kale uu akhrinayaa 12-ka qodob ee shirka laga soo saaray.

Halkaan hoose ka dhageyso.