U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi la socda oo gaaray Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan gaaray wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaa oo saaka ka amba baxay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo xubnaha la socdo oo ka kala tirsan labada gole ee dowladda waxa ay markii hore socdaalkooda ku bilaabeyn degmada Ceel-buur ee gobalka Gal-gaduud, halkaasi oo kulamo ay kula qaateen maamulka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka.

Intaasi ka dib waxay u dhaqaaqeen dhanka Magaalada B/weyne, iyaga oo la socday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee Helicopter.

Waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada B/weyne, waxaana uu haatan kulamo la qaadanayaa Odayaasha, saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM.

Arimaha ugu waaweyn ee madaxweynaha u tagay magaalada Baladweyne waxaa ka mid ah, dagaalada u dhaxeeya beelaha walaala ah ee wada dega deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey iyo arimo kale.

Kulamada weli waa kuwo socda, waxaana la filayaa in xilliyada soo aadan uu madaxweynaha la hadlo qaar ka mid ah shacabka Baladweyne.

Waa markii Sedaxaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu gaaro magaalada Baladweyn tan iyo markii xilkaasi loo doortay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe Insha Allah.