U bood dhigaalka

Amaanka degmada Waajid oo shaki la geliyay ka dib is qab qabsi dhanka maamulka ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha degmada Waajid ee Gobalka Bakool Cabdullaahi Aadan Yariisoow ayaa sheegay in degmadaasi ay kusoo fool leedahay dayac dhanka amaanka ah ka dib markii uu sheegay in shaki lageliyay maamulkiisa.

Isaga oo wareysi siiyay Goobjoog Fm ayuu sheegay in ay jiraan xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ay qal qal ku hayaan amaanka degmada Waajid.

Waxa uu sheegay in xildhibaanadaan oo aanay magacooda helin ku war geliyeen xilka in uu ku wareejiyo gudoomiye cusub oo uu sheegay in xildhibaanada ay wataan.

Taasi ayaa keeni karta ayuu yiri gudoomiyaha in habacsanaan dhanka amaanka ah ay u keynto degmada Waajid, isaga oo ugu baaqay wasaaradda arimaha gudaha in ay soo fara geliso arimahaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi aynu la yeelanay gudoomiyaha Waajid.

Goobjoog News