U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dibadbax ka socda xaafadaha magaalada Baladweyne (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconaayo dibadbax lagu taageerayo ciidamada Jabuuti ee ka mid ah AMISOM.

Dibadbaxaan ayaa ka dhacay dhamaan xaafadaha magaaladaasi, iyadoo ugu dambeen shacabka ay meel fagaaro ah isugu yimaadeen, waxaana goobtaasi hadal dheer ka jeediyay gudoomiyaha gobalka Hiiraan, Cabdi Fitaax Xasan Afrax.

Uljeedka dibadbaxa ayaa ah raali gelin ku wajahan dowladda Jabuuti ka dib dhawaan markii shacab caraysan ay gubeyn calanka dalkaasi, kuna gubeyn Magaalada Baladweyne.

Gudoomiyaha gobalka ayaa sheegay in falkaasi ay ku kaceen dad aan aqoon qiimaha calanka uu leeyahay, waxaana uu sheegay in midaasi ka shacab ahaan ay raali gelin kabixinayaan.

Wariyaheena ku sugan magaalada Baladweyne Khaalid Ilka Case ayaa soo sheegaya in isla meeshii lagu gubay calanka Jabuuti maalmo kahor laga taagay Calankaasi iyo midka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News