U bood dhigaalka

Ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa AMISOM oo dagaal ku qabsaday deegaanka Kudhaa ee Jubada Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in saaka uu ka dhacay deegaanka Kudhaa ee gobalka Jubada Hoose, waxaana dagaalka uu ahaa mid culus.

Weerarka dagaalkaan waxaa lahaa ciidamada is garabsanaaya oo maalmahan dambe ku siqaayay deegaano badan oo gobalkaasi ka mid ah.

Wariyaha Goobjoog Fm ee Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in saraakiil ka mid ah Jubba ay u xaqiijiyeen in dagaalkaasi ay kula wareegeen deegaanka Kudhaa, kana saareen Al-shabaab.

Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, hase ahaatee saraakiisha AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ee Jubba waxay sheegayaan in ay kusii wajahanyihiin deegaano kale.

Xaaladda waa mid degan, balse waxay ciidamadaan is garabsanaaya deegaankaasi ka bilaabeen howlgalo ay ku baadi goobayaan hadii ay jiraan rag ka mid ah Al-shabaab oo halkaasi ku haray, mana jiro wax war ah oo dagaalkaasi weli ay kasoo saareyn Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News