U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay sharciga Kaluumaysiga dalka

Sheeko:Dalka

Kulan ay maanta xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku meel mariyeen sharciga Kaluumaysiga dalka.

Sharcigaan ayaa horay waxaa usoo gudbiyay wasaaradda Kaluumaysiga Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya.

Kulanka maanta ee xilidhibaanada waxaa shir gudoon ka ahaa Jeylaani Nuur Iikar oo ah gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, waxaana soo xaadiray xildhibaano tiradooda uu ku sheegay gudoonka 144 mudane.

Codeynta sharcigaan ayaa ahaa mid gacan taag ah, waxaana 140 xilidhibaan ay ogolaadeyn in sharcigaan meel maray, halka ay diideen Laba mudane iyadoona ay ka aamuseen Laba kale.

Gudoonka ayaa ku dhawaaqay in sharcigaan uu ansaxay, islamarkaana si sharci ah ay u meel mariyeen xilidhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa xilligaan horyaalo shaqooyin badan iyo sidoo kale in ay ka hadlaan sharciyo badan oo horyaala.

Goobjoog News