U bood dhigaalka

Caruur badan oo gobolka Gedo looga talaalay Cudurka Dabeysha (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Saraakiisha iyo Howlwadeenada Qeybta Caafimaadka Hay’adda WHO ee Gobolka Gedo ayaa warbixin ay soo saareyn waxa ay ku sheegeen in Caruur tiradoodu ay gaareyso 120-ku, da’dooduna ay ka yartahay ilaa 5 sano ay ka talaaleen cudurka Dabeysha 4tii maalmood ee la soo dhaafey.

Waxay sheegeen in talaalkaasi ay ka fuliyeen degmooyinka kala ah Garbahaarey , Luuq ,Celwaaq, Buurdhuubo, Dolow, Baladxaawo, Geedweyne iyo weliba dhamaan Tuulloyinka hoos yimaad degmooyinkaasi.

Maxamed Sheekh Cali Nord oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda WHO ee Gobolka Gedo, ayaa Goobjoog Fm u sheegay in howsha fulinta tallaalka ee gobolka ay qeyb ka tahay ololaha looga hortago cudurka Dabeysha, oo dhawaan la soo sheegay 19 Kiis oo ah caruur qabta Dabeysha laguna arkay deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, inkastoo sanadkaan aan la helin wax kiis ah.

Waxaa kaloo uu Maxamed Sheekh Cali intaasi ku daray barnaamijka tallaalka in ay bar bar socdaan wacyigeli dhanka nadaafadda ah oo loo sameynayo hooyooyinka.

Maxamed Sheekh Cali wuxuu sidoo kale sheegay in dadka laga wareysanayo ugu horeyn cudurka Dabeysha, si loo helo xog ku saabsan in cudurkaas dalka ka dhamaaday iyo in kale.

Fulinta barnaamijka talaalka Dabeysha looga hortago ee gobolka Gedo ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adaha Caafimaada Adduunka ee WHO iyo UNICEF. Waxaa mashruuca talaalka fuliyay shaqaalo si tabarucaad ah ku shaqeynayay oo gaaraya 500 oo qof kana yimid degmooyinka gobolka.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News