U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi ladhiif “Talaabadii uu qaaday Ra’iisul wasaaraha waa mid dastuurka qabo” Dhageyso

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdi Ladhiif oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in isku shaandheyntii uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda ku sameeyay golihiisa wasiirada ay tahay mid uu qabo dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka u yaala.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa qalad u tilmaamay in wasiirada lagu kala tilmaamo kuwo shaqsiyaad ay kala keensadeen, taa oo uu ku micneeyay in ay tahay mid sharciga ka hor imaan karta.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Dastuurku uu ogal yahay in wasiirka koowaad ee xukuumadda uu sameeyo isku bedalid dhanka wasaaradaha iyo masuuliyiinta ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh oo arintaasi diiday.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi aynu la yeelanay xildhibaanka.

Goobjoog News