U bood dhigaalka

Biyo dhaamin laga bilaabay deegaanka Garileey ee gobalka Gedo oo muddo biyo la’aan ka jirtay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Deegaanka Garileey ee gobalka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan laga bilaabay biyo dhaamin ka dib markii muddo badan dadka ku dhaqan halkaasi ay ku dhib qabeyn helista biyo ay cabaan.

Gudoomiyaha deegaanka Garileey ee gobalka Gedo ayaa Aar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in ay soo bad baadiyeen 28 qof oo qarka u saarnaa in ay u dhibtaan biyo ay waayeen awgeyd waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidyo dad uu sheegay inay ku dhiban yihiin deegaano howd ah una dhaxeeya Bu’aale iyo Garileey oo ka kala tirsan gobalada Gedo iyo Jubada Dhexe.

Horay ayuu sheegay in biyo la’aanta ay ugu dhinteen ilaa Sideed qof kuwaa oo ku sugnaa dhulalka howdka ah ee aynu soo sheegnay.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka gudoomiyaha

Goobjoog News