U bood dhigaalka

Qurbajoog ku sugan Muqdisho oo cabasho ka muujiyay ciidamo ka mid ah Booliiska (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xubno ka mid ah QurbaJoogta Soomaalida ee Dalka u yimid dib u dhiska Guryo ay ku leeyihiinn Magaalada Muqdisho, ayaa cabasho ka muujinaya in Ciidamo ay dageyn wadooyinkii ay ka gali lahayeen guryaha ay u doonayaan dayactirka.

Yuusuf Cali Cigaal oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo boolis ah oo degay wado uu ka gali lahaa Guryo ay ku leeyihiin dhabarka dame Baarlamaankii Hore.

Cigaal waxa uu Dowlada Soomaaliya ku amaanay dadaalada ay ku sugayso ammaanka iyo sida Qurba joogta indhahooda ay ugu soo jeedisay Magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxa uu dalbaday in ay ka laga qaado ciidamada fadhiya wadooyinka guryahaas si ay dib u habeyn hantidooda ugu sameystaan.

Magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabanaya qurba Joog Soomaaliyeed, waxaana ay bilaabeen in dib ay dhistaan guryahii ay magaalada ku lahaayeen.

Halkaan hoose ka dhageyso