U bood dhigaalka

SOSHENSA "Madaxda dowladda ha xaliyaan khilaafkooda" (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dalada Ururada Bulshada Rayidka ee SOSHENSA ayaa ugu baaqday Madaxda Dowlada Soomaaliya, in ay ka gudbaan khilaaf ku salaysan dan shaqsiyadeed oo ay fiiriyaan danaha Umadda Soomaaliyeed oo dhibaatooyin badan qaba waa sida ay hadalka u dhigeen.

Kulan Maanta oo Arbaca ah ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho xubnaha daladaan ku mideysan ayay kaga hadleen khilaafka soo kala dhax galay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Gudoomiyaha ururada Bulshada Rayidka C/laahi Maxamd Shirwac ayaa kulank ka dib la hadlay Goobjoog Fm, waxaana uu sheegay in ugu dambeyn ay soo saareen baaqa ah in la eego danaha umadda Soomaaliyeed.

Shirwac ayaa dhanka kale sheegay in ay aad u lafa gureen sida looga gudbi karo khilaafkaan, sidoo kalena loo eegi lahaa danaha shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay isku soo hadal qaadeen in shacabka ay ugu baaqeen in aysan ku milmin Siyaasadaha is diidan oo iminka soo kala dhex galay madaxda dowlada loona baahan yahay in shacabku ay danohooda ka shaqeeyan

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu Shirwac la yeelanay.

Goobjoog News