U bood dhigaalka

Xasan Sheekh oo Dubai uga qeyb galaya shir looga hadlayo Burcad badeedka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa safar ugu amba baxay dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo la filayo in uu uga qeyb galo shir looga hadlayo arimaha burcad badeedka.

Shirka oo lagu qabanayo magaalada Dubai ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka kuwaa oo ka hadli doono arrimo la xiriira shufta badeeda iyo sida loo cirib tiri karo.

Madaxweynaha waa sagootiyay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’isul wasaaraha dalka Cabdiweli Sheekh,xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya qaarkood.

Xasan Sheekh ayaa waxaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo shirkaasi looga hadlayo burcad badeeda Soomaalida iyo sidii wax looga qaban lahaa falalka afduubka ah oo ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga.

Waxaa shirkii labaad oo noociisa ah uu Xasan uga qeyb galo Dubai ee dalka Imaaraadka.