U bood dhigaalka

Ciidamada dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deegaano ka mid ah Gal-gaduud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Degaanka Ceel-Garas ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay la waregeen degaano duleedka Degmadaasi ay kaga sugnayeen Al-shabaab.

Gudoomiyaha Degaankaasi oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay la dagaalameen Xarakada Al-shabaab, ka dibna ay u suurta gashay dhowr deegaan in ay qabsadaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ciidamada ay wadaan dhaq dhaqaaq ciidan oo ku aadan deegaano kale oo ay doonayaan inay la wareegaan, waxaana shacabka uu u gu baaqay in ay is dejiyaan.

Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin deegaanadaan la sheegay in laga qabsaday, hase ahaatee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa gobalo badan oo dalka ka mid ah ka wada howlgalo ka dhanka ah urukaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Gudoomiyaha Ceel-garas.

Goobjoog News.