U bood dhigaalka

Door intee la eg ayeey Haweenka ka qaadan karaan nabad dalka ka hirgasha? (Dhageyso warbixin)

Sheeko:Dalka

Haweenka Soomaaliyeed ayaa la tilmaamaa inaysan door muuqda laga siinin ka qeyb galka dhanka siyaasadda, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dalka.

Waxaa jira sheekooyin is khilaafsan oo cabiraya awoodda dumarka ay ku leeyihiin dalka iyo saameynta ay ku yeelan karaan dib u soo celinta xasiloonida Soomaaliya.

Dhibaatada dalka ka taagan ayaa inta badan lala xiriiriyaa raga oo inta badan horboodayay shar iyo kheyrba wixii dalka soo maray.

Xiliyadii dambe waxaa muuqanayay in haweenku ay u doodayaan xaqa ay u leeyihiin qabashada xilalka dalka iyadoo haween badan ay aaminsan yihiin inay raga kaga roon yihiin xilalka qaar.

Hadaba wariyaheena Munasar Maxamed Cabdi ayaa diyaariyay Warbixin arimahaan ku saabna, wuxuuna si aad ah diiradda ugu saarayaa doorka haweenka ay ka qaadan karaan Nabad dalka ka hirgasha.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News