U bood dhigaalka

Salaad Cali Jeelle “Dhegaha Shacabka in ay maqlaan khilaafka madaxda ma ahan mid haboon” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Siyaasiga salad Cali Jeelle oo horay uga mid ahaa xildhibaanadii baarlamaankii KMG ahaa ayaa sheegay in xilligaan aanay habooneen dhegaha shacabka in ay maqlaan khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in shacabka ay doonayaan in la gaaro hiigsiga sanadka 2016-ka oo dalka doorasho laga filaayo.

Salaad ayaa dhanka kale sheegay in khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha uu keeni karo caqabado ah in dowladda ay dalka wax badan ka qabato, isaga oo ku baaqay in khilaafkaan la xaliyo.

Madaxda ayuu sheegay in laga doonayo inay gacmaha is qabsadaan kana gudbaan waxyaabo uu sheegay in ay soo ragaadiyeen dowladihii Kumeel gaarka ahaa ee dalka soomaray.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Salaad Cali Jeelle.

Goobjoog News