U bood dhigaalka

iPhone 6 oo dhigtay Record cusub xagga iibka kana sare martay Samsung

Jariiradada The Wall Street Journal ayaa shaacisay in Apple iibisay 100,000 oo Telefanka gacanta maalintii ugu horeysay, Dadka carbuuntay iPhone 6 ayaa ka sare maray 30,000 dadkii carbuuntay Galaxy Note 4 oo ah Telefoono ay soo saartay shirkadda Samsung marka la fiiryo dadka iibsaday Samsung maalintii la iib geeyay.

The iPhone 6 and the iPhone 6 Plus ayaa laga bilaabay iibintiisa South Korea maalintii Jimcada Oct. 31. Qadada ka hor, Mobiladan cusub ee iPhone 6 and iPhone 6 Plus ayaa waxaa dalabaadkooda iyo carbuuntooda la bilaabay dalka Koofurta Kuuriya Oct. 24.

Sida ku cad warbixinta The Wall Street Journal, saacad wax ka yar waxaa dalbaday iPhones Tobanaan Kun, taasoo ka sare martay dalaabaadkii iyo carbuuntii dadku ay carbuunteen Samsung’s new 5.7-inch Galaxy Note 4 smartphone(ama taleefoonada caaqilka ah), kasoo la keenay dalka Koofurta Kuuriya bishii tagtay.

KT, oo ah ninkii ugu horeeyay ee helay wakiilnimada iPhone ee dalkaas ayaa helay 10,000 dalab daqiiqadii ugu horeysay iyo 50,000 oo dalab 30 gudahood iPhones-ka cusub.

LG Uplus, oo markii ugu horeysay iPhone markii ugu horeysay waxay sheegtay inay heshay 20,000 dalabaad 20 daqiiqo gudahood.