U bood dhigaalka

Tartan Aqooneedka Kedis ee Goobjoog Fm oo maanta si rasmi ah u bilawday (Dhageysi iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta xarunta Akadeemiyadda Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Academy) ee magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay tartan aqooneedka Kedis ee 2014-2015, kaa oo ay ka qeyb gali doonaan 42 iskuul oo ka mid ah dugsiyada sare Gobalka Banaadir.

Tartanka oo maanta bilaw ahaa waxaa isku arkayay ilaa Afar Dugsi Sare, waxaana qeybta Koowaad ku wada tartamay dugsiyada sare ee kala ah Mucaad Binu-Jabal iyo Mustaqbal.

Tartan xiiso badan ka dib, waxaa soo gaba gaboobay dhamaan su’aalihii la weydiiyay Ardayda u tartamaysay Iskuuladaasi, waxaana guusha ay raacday iskuulka Mustaqbal oo Sideed Dhibcood helay, halka Mucaad Binu-jabal uu helay 6 dhibcood.

Gudiga tartanka oo ku dhawaaqayay natiijada ayaa sheegay in wareega Labaad uu nasiib u yeeshay Iskuulka Muqstaqbal inuu usoo gudbo, halka dugsigii laga guuleystayna uu haray.

Intaasi ka dib ayaa waxaa la guda galay Qeybta kale ee Tartan aqooneedka Kedis ee Goobjoog Fm, oo ay ku balansanaayeen Dugsiyada kala ah Wadajir iyo Caynu Raxma, hase ahaatee waxaan soo xaadirin iskuulka Wadajir.

Gudiga ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana ay sheegeen in dugsiga Caynu Raxma ay guusha raacday maadaama dugsigii ay la tartami lahaayeen aanu imaan, iyaga oo la siiyay 14 dhibcood, una soo gudbay Wareega Labaad Tartan aqooneedka Kedis ee Goobjoog Fm.

Sanadkaan waxaa tartan aqooneedka Kedis ee Idaacadda Goobjoog taaba gelinaaya Jaamacadda City University, waxaana la siin doonaa abaalmarino sidaan kala ah.

Kaalinta Koowaad 3,000 (Sedax Kun) oo Doolar

Kaalinta Labaad     2,000 (Laba Kun) oo Doolar

Kaalinta Afaraad   1,000 (Kun)        doolar

Goobjoog Fm ayaa sanad walba sidaan ugu qabata Ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dugsiyada sare ee gobalka Banadir, tartan aqooneedka Kedis oo abaalmarino xambaarsan, waxaana sanadkii tagay tartankii Kedis ka qeyb galay ilaa 54 Iskuul.

Halkaan hoose ka dhageyso Barnaamijka Kedis ee Maanta.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada.

Kedis1 Kedis2 Kedis3 Kedis4 Kedis5 Kedis6 Kedis7 Kedis8 Kedis9 Kedis10 Kedis11 Kedis12 Kedis13 Kedis15 Kedis16 Kedis17 Kedis18 Kedis19 Kedis20 Kedis21 Kedis22 Kedis23 Kedis24