U bood dhigaalka

Fanaan Cabdalla Yuusuf Hanuuniye oo maanta Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Dhageysi iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Fanaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Cabdalla Yuusuf Hanuuniye ayaa maanta dib ugu laabtay dalka, isaga oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Fanaanka waxaa soo dhaweeyay abwaano, fanaaniin iyo sidoo kale dad shacab ah, waxaana uu si kooban ula hadlay saxaafadda isaga oo ku sugan garoonka Muqdisho.

Hanuuniye ayaa sheegay in dalka uu dib ugu soo laabtay si uu uga qeyb qaato nabadda, iyo dib u dhiska waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Hanuuniye ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan aayaha dalka.

Cabdalla Yuusuf Hanuuniye ayaa dalka ka maqnaa muddo aad u badan, waxaana jiray mudooyinkaan dambe fanaaniin kusoo qul qulaysa magaalada Muqdisho oo qaarkood ugu dambeysay xilligii bur burka.

Halkaan ka dhageeyso hadalka Hanuuniye.

Halkaan hoose ka daawo wasirada.

DSC_0395 DSC_0398 DSC_0399