U bood dhigaalka

Arday deeq waxbarasho loogu direy dalka Itoobiya

Sheeko:Dalka

Jaamacadda Addis AbabaMarkii ugu horey maanta waxaa dalka Itoobiya loo ambobixiyey illaa 52 arday oo deeq waxbarasho ka heley dalkaasi, waxaana garoonka dayuuradaha kusii sagootiyey wasiirka waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya Ducaale Aadan Maxamed.

Ardaydayni ayaa waxa ay wax ka baran doonaan jaamacaddo ku yaala magaalada Addis Ababa kadib deeq waxbarasho oo dowladda Itoobiya ay siisey dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ardaydii ka ambobaxaysay garoonka dayuuraha Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqda ay heleen.

Horey arday ka socota maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland ayaa deeqo waxbarasho ka heley jaamacadda Jig Jiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiye, balse ardaydani Muqdisho ka dhooftey maanta waa kuwii ugu horeeyey oo Itoobiyo aado.

Dalal kala duwan ayay ardayda Soomaaliyeed ka helaan deeq waxbarasho, waxaana ka mid ah Turkiga, Suudaan, Yemen iyo Ciraaq.

Goobjoog News