U bood dhigaalka

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay hanaan maaliyadeed casri ah (Dhageysi iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Wasaaradda maaliyadda xukuumada Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay hanaan maamul maaliyadeed lagu kalsoonaan karo, taas oo lagu bedalayo nidaamkii hore ee ay wasaraddu isticmaali jirtay.

Wasiirka maaliyadda xukuumada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in uljeedada hanaankaan cusub ay tahay mid ka caawinaaya wasaaradda in hor marin lagu sameeyo nidaamka xisaabaadka iyo maamulka, si ay u noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in gacan weyn uu ka geysan doono sidii go’aan ku habooon looga gaari lahaa arimaha maamulka iyo maaliyadda.

Munaasabadda arintaan lagu soo bandhigaayay waxaa ku sugnaa wasiiro ka mid ah Xukuumada Soomaaliya, xildhibaano, iyo saraakiil.

Halkaan hoose ka dhageyso

Halkaan hoose ka daawo Sawirada.

Kulan6 Kulan5 Kulan4 Kulan3 Kulan2 Kulan1