U bood dhigaalka

Roob saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo Muqdisho ka da’ay

Sheeko:Dalka

RoobMagaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa xalay saq dhexe ka bilawday roob, kaa oo ilaa iyo xilligaan soconaya, waxaana saameyn uu ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho waxaa qaarkood fariistay biyo badan, oo sababay in gaadiidka wadooyinka qaarkood ay ka wareegaan oo xaafadaha ay dhex maraan.

Wadada Wadnaha waa wado Halbowle ah, waxaana ay isku xirtaa degmooyin aad u badan, ma jirto wax dayactir ah oo ay heshay, waxaana meelaha qaar ka qodbay godad waaweyn oo biyo fariistay, taa oo keentay in dadka iyo gaadiidka aysan marin.

Meelaha ugu daran ee godadka ay ka qodmeen wadadaasi waxaa ka mid ah, inta u dhaxeysa Sanca iyo Afarta Darjiin, Halka loo yaqaan, Geed Jaceyl, iyo sidoo kale inta u dhaxeysa Isyoska Bakaaraha iyo Masjidka Macalin Biya-maaloow.

Sidoo kale waxaa gabi ahaanba jaran wadadii isku xiraysay Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, ka dib markii Boholo waaweyn ay ka qodeen roobabkii da’ay.

Dhanka Makka Al-mukarrama oo dhawaan laga sameeyay dib u habeyn iyo dhismo xoogan ayaa waxaa biyo dhigay roobkii, ioyadoo aysan lahayn meel ay biyuhu ka baxaan, taasna waxay keentay dadka iyo gaadiidka in si caadi ah isaga dhex maraan biyaha wadadaasi fariistay.

Marka laga soot ago wadooyinkaan xirmay iyo biyaha meelaha ay fariisteen, waxaa jira saameyn roobkaan uu ku yeeshay dadka barakacayaasha ah, iyadoo qoysas badan ay dhex taagan yihiin biyaha.

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaala kaamam ay degan yihiin dad barakacayaal ah, waxaana guryaha ay ku jiraan ka sameysan yihiin Baco iyo waxyaabo kale oo aan roobka celin karin.

Kaamamka qaar waxaa si caadi ah u galay daadka roobka uu sameeyay, iyadoo dadka ay yihiin kuwo isugu darsamay, dhaxan, gaajo iyo roobka oo weli ku socda.

Goobjoog News